2817 Views

Somaliya oo Qayb Ka Noqotay Urur Ka Dhisan Africa

Somaliya oo  Qayb Ka Noqotay Urur Ka Dhisan Africa
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Madaxda Waddamada Qaaradda Afrika ayaa waqti kama dambeys ah u qabsaday xilliga ay sameyneyaan Ururka ugu qeyn Ganacsiga ee Afrika,waxaana muddada ay noqotay Bisha October ee soo socota.

Ururkan ayaa la doonayaa in ay xubno ka noqdaan dhamaan Xubnaha Ururka AU ee Qaradda Afrika,iyada oo Waddamada qaar ay xasilooni ka jirto.

Ururkan ayaa marka la sameeyo waxaa uu noqonayaa FTA oo laga soo gaabiyay  Free Trade Area,waxaana ay lagu doonayaa in xiriir Ganacsi oo isku xiran ay yeelato Qaaradda Afrika.

Xoghayaha Guud ee Ururka Ganacsiga Koofurta iyo Bartamaha Afrika Sindiso Ngwenya,ayaa sheegay in Soomaaliya ay xubin ka noqoneyso Ururkan maaddaama sida uu yiri Soomaaliya ay nabad ku soo laabatay haddana ka mid noqon karto Ururrada Ganacsi ee Afrika.

Waxaa uu xusay in dhamaadka Sanadkan Soomaaliya iyo Tunesia ay ka mid noqon doonaan Ururka FTA ee Afrika,waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshan doonto xubinnimadeedii Ururka COMESA oo ay lumisay markii ay ka billowdeen dagaallada sokeeye.

FTA waxaa la filayaa oo ilaa hadda u diiwaan geshay 28 Dalk,kuwaas oo 61% ka ah Qaaradda Afrika,bed ahaanna gaaraya 18.3KM,isaga oo intaas raaciyay in Waddamo kale ay ku biiri doonaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment