2472 Views

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Shaacisay in ay Raadineyso Maqaamka Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Shaacisay in ay Raadineyso Maqaamka Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Cabdi Faarax Saciid Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya  oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho ay Wasaaraddiisu ka gacansiin doonto sidii ay u heli lahaayeen Xuquuqdooda ee ku aadan Maqaamka Muqdisho.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in  Wasaaradda Arrimaha ay dadaal xoogan u gali doonto sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaasha ku aadan hirgelinta Maqaamka Magaalada Muqdisho.

Bulshada Muqdisho ku nool oo ay ugu horreeyaan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa horay cabasho xoogan uga muujinayay in  la iska indha tirayo Xuquuqda 3 Million oo qof oo ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay isi soo tarayeen baaqyada ku aadan in xal loo helo Maqaamka Magaalada Muqdisho, waxaana laga dhur sugi doonaa sida Wasaaradda Arrimaah Guduhu  ay u fuliso arrintaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment