3756 Views

Ciidmo AMISOM Ay Ku Jiraan Oo KoonFur galbeed Ay U dirayaan Sh. Mansuur Rooboow

Ciidmo AMISOM Ay Ku Jiraan Oo KoonFur galbeed Ay U dirayaan Sh. Mansuur Rooboow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu hadda istaagay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamo taageersan Abuu Mansuur oo ku sugan Duleedka Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Koofur Galbeed C/Risaaq Aadan,ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dagaalkii saaka billowday uu hadda istaagay islamarkaana  aysan jirin cid laga saaray halkii ay joogtay.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay isu diyaarinayaan in ay ku baxaan degaankaas islamarkaana ay ka hortagaan Al-shabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay u tagayaan halkaas ay tahay in Al-shabaab ay ka saaraan degaannada cusub ee ay hadda ka qabsanayaan Gobolka Bakool.

C/Risaaq waxaa uu sheegay in haddii uu codsi u dirsado Abuu Mansuur ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment