2406 Views

Gaari Qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho

Gaari Qaraxyo waday oo lagu qabtay  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ku qabtay Gaari Caarip ah oo waday walxaha Qarxa.

Waxyaabaha qarxa ee saaran Gaariga ayey laamaha amniga sheegayaan in ay yihiin Qaraxyada yar yar ee Gawaarida dadka loogu xiro.

Hay’adaha amniga ayaa sheegaya in Gaariga uu yaallay goob banaan ah,islamarkaana aysan jirin cid lagu qabtay Gaariga ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Gaariga ayaa la doonayay in la soo geliyo magaalada si loogu adeegsado Qaraxyada dadka loogu dhajiyo Gawaarida,waxaana kala fur furay laamaha Amniga ee dowladda oo markii horeba gacanta ku dhigay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment