2781 Views

Hishiis Hordhac ah Oo Ka Dhacay Garoowe

Hishiis Hordhac ah Oo Ka Dhacay Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Magaalada Garoowe  ee xarunta Maamulka Puntland waxaa shalay kulan ku yeeshay Ganacsatada Gobollada dhexe ee dalka iyo maamulka Puntland.

Kulanka ayaa ku saabsanaa adeegsiga kunka shilin oo maalmihii la soo dhaafay dhibaato ka taagenyd iyo isu socodka Ganacsiga ee labada dhinac.

Labada dhinac ayaa warbaahinta u soo bandhigay kaddib shirkoodii qodobbo ay ku heshiiyeen oo ay ku wada shaqeyn doonaan.

Heshiiska qodobada ugu waa weyn ayaa dhigaya.

In lacagta shillin Soomaaliga ah dhammaateed sidii hore u shaqayso,marka        laga reebo lacagta been abuurka ah iyo midda aan lahayn tayyadii lacageed ee loo baahnaa.

si loola socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha, wixii ka badan 50,000,000 Sh. So,  (konton milyan), waxaa la marinayaa Bangiga Dawladda Puntland.

Waxaa lagu heshiiyey in sarifka lacagta lagu ilaaliyo halkii doolarba sideed iyo labaatan kun ( 28, 000 Sh. So).

Gaariga lagu haystey Gaalkacayo waxaa lagu sii daynayaa shuruud la’aan kharashka hawsha gaarigaas ku baxayna sidii ay hore uga heshiiyeen waxaa bixinaya Dawladda Puntland iyo Galmudug.

Dawladda Puntland waxay gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya ( transit goods) ka cafisay lacagta dejinta ee lagu qaadi jirey kastamka Gaalkacayo.

Waxay Dawladda Puntland u fududaynaysaa gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya safarka, waxaa reeban in gaadiidka raran lagu xayiro Kastamada Puntland, waana in saraakiisha Kastamada Puntland si hufan u gutaan waajibaad kooda,

Waxaa la isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dib loogu furilahaa waddada laamiga ah ee isku xirta dalka ee ka xiran dhinaca koonfureed ee Gaalkacayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment