6246 Views

Imaaraadka iyo Baxreyn oo Qatar Airweys u fasaxay Hawada

Imaaraadka iyo Baxreyn oo Qatar Airweys u fasaxay Hawada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Waddamada Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa qeyb ahaan xaddidaaddii socdaalka hawada ka qaaday Sharikadda Diyaaradaha Dalka Qadar ee Qatar Airweys.

Dowladda Qadar ayaa dacwad ka dhan ah Waddamada cunaqabateynta saaray u gudbisay Hay’adda maamusha Hawada Caalamka ee ICAO ee Dalka Canada,waxaana wadahadal dhexmaray Hay’adda iyo Waddamada Imaaraadka iyo Baxreyn horseeday in xaddidaadda ay qafiifiyaan.

Qatar airweys ayaa hadda waxaa ay adeegsan kartaa Hawada Caalamiga ah ee ay maamulaan Dalalka Baxreyn iyo Imaaraadka,taas oo xoogaa ka dejineysa safarkii dheeraa ee adeegsiga Hawada Waddamo kale.

Xaddidaadda Hawada Waddamada Carabta ah ayaa sameyn taban ku yeelatay 2.4Milyan oo qof oo ah Rukunka Qatar Airweys,kuwaas oo 90% ah Ajaanib.

Anthony Philbin,oo ah Afhayeenka ICAO ayaa sheegay in wadahadal ay Hay’addiisa la yeelatay Waddamada Carabta ay ka sameeyeen horumaryar walina uu socdo kaas oo ay ku doonayaan in cunaqabateynrta dhanka duullimaadka ah laga qaado Qadar,maaddaama Diyaaradda ah u adeegto Caalamka oo dhan,malaayiin qofna ay maalinkasta ku safraan.

Hay’adda Maamusha Hawada Dalka Qadar ayaa arrintan ku tilmaantay guul ay Dowladda Qadar ka gaartay Waddamada Carabta ah ee go’doomiyay dalkaas,waxaana war ay Hay’adda soo saartay ku sheegtay in xeerarka Caalamiga ah ee horay loogu heshiiyay ay jebiyeen Waddamadan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment