5925 Views

Kooxda kubadda cagta ee Atlanta oo 10 jirsatay +sawiro

Kooxda kubadda cagta ee Atlanta oo 10 jirsatay +sawiro
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA | QOL | August 9, 2017 – Waxaa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegaayey Toban guuradii ka soo wareegatay aasaaskii Kooxda Kubadda Cagta ee Jubba ee ka dhisan Magaaladda Atlanta,kooxdaasoo soo martay marxalado kala duwan oo marba gaareysay horumar la taaban karo oo runtii farxad gelisay Jaaliyadda Atlanta  oo saadaalin wanagsan ka bixisay in mustaqbalka dhaw ay noqon doonaan kuwa daafaco heybadda Isboorti oo ay Atlanta leedahay isla markaana qaarkood u gudbi doona Xulaka Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii waxa xafladaasi warbixin meelo kala duwan taabaneyso ka soo jeediyey Xoghayaha Guddiga Isboortiga Atlanta ahna Tababaraha Kooxaha Jubba Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) isagoo ka sheekeeyey marxaladihii kala duwana ee ay soo martay Kooxda Jubba isagoo cadeeyey in ay markiisii horeba uu diiradda saaray sidii uu u kobcin lahaa farsamadda aasaasiga ah ee Kubadda Cagta  taa oo la’aanteed aan dhalinyaradda aysan gaari karin halka ugu sareyso,waxaan xooga isugu geynay ayuu yiri Caydiid xukumidda Kubadda,isu dhiib dhiibka gaagaaban,habka ugu wanagsan ee loo madaxeeyo Kubadda,aragtida Garoonka iyadoo Kubadda la wato iyo sida ugu haboon oo daafaca loo galo iyado hujuumka iyo difaacaba ay is kaashanaayaan,

 

waxaana uu cadeeyey in arrimahaas oo dhan uu iga saaciday saaxiibkey Tababare Cabdi Qani oo runtii aqoon badan u leh habka Tababarida jiilalka soo koraayo.,waxayna Tababarayaasha Caydiid iyo Cabdi qani mahad u jeediyeen waalidiinta oo runtii dadaal muujiyey.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mudane Naasir Warsame oo ah Madaxa Xawaaladda AMAL ee waqooyiga Amerika,waxaana uu si qiiro leh u sheegay in Siyaasadda Guud ee xawaaladda AMAL EXPRESS ay ugu horeyso in la garab istaago horumarinta dhadhaqaaqyadda lagu hormarinaayo dhalinta soo koreyso oo uu ugu horeeyo Isboortiga oo runtii ka ciyaari kara door aad u muhim ah taa oo uu ugu horeeyo in jiilalka soo koraayo ka weeciyo waxyaabaha mustaqbalkooda wax yeeli kara,waxa kaloo Mudane Naasir sheegay in ay waajib tahay in dib loogu celiyo bulshadda wax alla waxii Amal ay awoodo si ay wada shaqeynta Bulshada  iyo Amal ay noqoto mid weligeed jirta.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo isna xafladaasi ka hadlay,ayaa waxa uu tilmaamay shaqadda xurmadda leh ay qabteen Tababarayaasha Caydiid Jeenyo iyo Cabdi Qani,taa oo runtii ah mid lagu farxo isla markaana taabeneysa qof kastoo ka mid ah Jaaliyadda reer Atlanta,waxaana uu Tababarayaasha uu ku booriyey in la laba jibaaro Tababarida jiilalka soo koraayo,waxaana uu ballan qaaday in Guddiga Jaaliyadda uu u huri doono wax alla waxii karaankiisa ah,waxa ugu dambeyntii u rajeeyey Guddiga Isboortiga iyo tababarayaashaba Guul.

Waxaana xafladaasi goob joog ka ahaa Dr. Cali CUsmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta,Jaamac Cali(Jaamacey) oo ah Madaxa Farsamadda ee Guddiga Isboortiga ee Atlanta,Maxamed Moa oo ka mid ah Guddiga Farsamadda ee Atlanta,Mudane Cabdikariim,Inj. Cabdulaahi ,Mukhtaar Gaawarow ,waalidiinta Caruurta iyo qaar badan ee Jaaliyadda Atlanta ka socday,waxayna xafladii ku dhamaatay GUUL.

2 1 5 3

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Atlanta, GA

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment