2373 Views

Madxweyne Ku Xigeenka Putland Oo Arin Xasaasi Ah Ka Dhawaajiyey

Madxweyne Ku Xigeenka Putland Oo Arin Xasaasi Ah Ka Dhawaajiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Cameey oo ka qeybgalayay munaasibad tababarka loogu soo xirayay Ciidamada isku dhafka ah ee ka socda Galmudug iyo Puntland islamarkaana loo xilsaaray amniga Gaalkacyo ayaa sheegay in maaddaama Puntland ay ka dhaqaalo badan tahay Galmudug ay saddexda bilood ee ugu horreysa Mushaarka Ciidamada isku dhafka ah uu bixinayo Maamulka Puntland.

Ciidamada ayuu kula dardaarmay in ay xaqiijiyaan maniga loo wakiishay,waxaana uu sidoo kale baaq u diray Dadka Magaalada Gaalkacyo oo uu ka codsaday in Ciidamadaas isku dhafka ah ay kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada labada dhinac ayaa dhowr jeer dagaallamay iyada oo dhowr jeer heshiis la dhexdhigay,kaas oo marar badan bur buray,waxaana hadda heshiis lagu gaaray in Ciidamo labada dhinac ka socda oo isku dhaf ah lagu wareejiyo amniga Mgaaalada Gaalkacyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment