2214 Views

Madxweyne Xaaf Oo ka laabtay Magacaabistii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga

Madxweyne Xaaf Oo ka laabtay Magacaabistii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa dib uga laabtay magacaabistii Axmed Yuusuf Cabdulle uu u magacaabay Gudoomiyaha KMG Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug.

Warqad ka soo baxday Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay sababta ka dambeysa in Madaxweyne Xaaf uu dib ula laabtay magacaabistaas.

Warqada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay Gudoomiyaha saxda ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug inuu yahay Maxamed C/laahi Cabdi illaa waqtiga xil hayntiisa ay ka dhamaaneyso.

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Galmudug ayaa la faray in xilka uu u madaxbanaaneysiiyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Maxamed C/laahi Cabdi, maadaama horay uu ugu yimid doorasho uu goobjoog ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug, welina xil haynta waqtigiisa uusan dhamaan.

Axmed Yuusuf Cabdulle oo ah ninka xilka lagala laabtay ayaanan illaa hadda ka hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xilkii Madaxweyne Xaaf uu u magacaabay inuu dib ugala laabto.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweynaha Galmudug uu dib uga laabto xil uu qof u magacaabay tan iyo markii Xaaf xilka Madaxweynaha Galmudug loo doortay.

 

000000000222

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment