2634 Views

Sawirro:- Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe

Sawirro:- Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Madaxtooyada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta  lagu dhaariyey laba Wasiir iyo hal Wasiir ku-xigeen oo ka mida golaha Wasiirrada cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay , Waxaana ay kala yihiin Wasiiradaasi la dhaariyey.

  1. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda  Duulista Hawada iyo Garomada Puntland.
  2. Cabdinuur Cilmi Maxamuud ( Biindhe) Wasiirka Wasaaradda   Beeraha iyo Waraabka.
  3. Saciid Faarax Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka    Wasaaradda    Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

Munaasibadda dhaarinta  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakii ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta ka dib kula dardaarmay masuuliyiintani inay shaqadan loo igmaday uga soo dhalaalaan si Masuuliyaddi ku jirto, isla markaana si daacadnimo ah ugu adeegaan Dadkooda iyo Dalkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey masuuliyiintani inay markasta ka fogaadaan kana dheeraadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ay  xilkasnimo iyo daacadnimo ugu adeegaan shacabkooda.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle uga baryey mas’uuliyiintani in uu u fududeeyo xilalkaasi ay u qabteen dadkooda iyo dalkoodaba, isla markaana Alle ku asturo kuna guuleeyo hawlaha shaqo ee xafiisyadooda looga fadhiyo inay qabtaan.

a11 aa12 aa13

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment