4119 Views

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Doorashada Kenya

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Doorashada Kenya
____________________________________________________________________________

Kenya  | QOL |  August 09, 2017 Madaxweyne Uhuru Kenyatta; ayaa illaa hadda codadka la tiriyey uga horreeya hoggaamiyaha xisbiga NASA; Raila Odinga.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta; ayaa illaa hadda codadka la tiriyey uga horreeya hoggaamiyaha xisbiga NASA; Raila Odinga.

Uhuru Kenyatta; ayaa ku hoggaaminaya tirada codadkii ugu dambeeyey ee tiradoodu soo baxday 1:00am; codad gaaraya 5,602,722 (Shan milyan Lix boqol iyo laba kun, todobo boqol labaatan iyo Laba, halka ninka sida weyn ula tartamaya ee ka socda xisbiga NASA; Raila Odinga uu hayto codad ay tiradoodu gaareyso4,462,244. (Afar milyan afar boqol lixdan iyo laba kun; laba boqol afarta iyo afar cod)u1

Uhuru Kenyatta; ayaa ku ololeynaya haddii la doorto wareeg 2aad; in uu ka shaqeynayo nabadgelyada Kenya iyo la dagaalanka ururda wada dagaalka ka dhanka ah kenya; kuwaas oo ay ku jirto xarakada Alshabaab.

Ka qaybgalayaasha kale ee tartanka doorashada madaxtinimo ee Kenya ayaa iyaguna helay tiro codad ah; kuwaas oo sidan hoose u kala haysta tirada codadka illaa iyo hadda la tiriyey:

  1.  Joe Nyaga;ayaa haysta 24,957 (labaatan iyo Afar kun sagaal boqol Konton iyo todoba;
  2. Abduba Dida; ayaa haysta (17,806), cod
  3. Ekuru Aukot (17,605; cod
  4. Japheth Kavinga (7,485), cod
  5. Cyrus Jirongo (7,171); cod
  6. Halka uu Michael Wainaina; ka haysto 5,541; cod

Qiyaasta dhanka codadka ee ugu dabeysa ee uu soosaaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Kenya ayaa muujisay in labada hoggaamiye ee loolanka adag ka dhexeeyo aanay si weyn u kala fogeyn, waxaana laga yaabaa sida laga soo xigtay in tirinta codadku ay natiijo hordhac soosaarto maanta oo Arabaco ah.

u2

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | kena

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment