3273 Views

Wariye Axmed Kismaayo Oo ku Geeriyooday India

Wariye Axmed Kismaayo Oo ku Geeriyooday India
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Alle ha u Naxariisstee waxaa Wadanka Hindiya ku Geeriyooday Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), oo sidoo kale Xilli ka mid ahaa Shaqaalaha Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC.

Axmed Kismaayo ayaa la sheegay In Saakay uu ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Wadanka Hindiya oo uu ku jiray.

Axmed Kismaayo ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Nayrobi, iyadoo markii dambe loo qaaday dalka Hindia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Xaqiijiyay Geerida Axmed Kismaayo,waxaana ay Tacsi u direen Ehelka iyo Qaraabadii uu ka dhintay Wariye Axmed Kismaayo.

Axmed Kismaayo ayaa soo noqday Guddoomiyihii Hore ee Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland,inkastoo uu Xilkaas iska Casilay intii ay socotay Doorashadii lagu soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Puntland laga soo doortay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment