2286 Views

Kulan Xasaasi ah oo ka furmay magaalada Johannesburg

Kulan Xasaasi ah oo ka furmay magaalada Johannesburg
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10ka Ogosto, 2017 –  Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhiim ah oo quseeya qaaradda Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hoggaaminta Siyaasadda qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha, ayada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas ayada oo la siinayo jaanisyo waxbarasho.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari “oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda ka hooseyso 30 jir halka 42% da’dooda u dhaxeyso 14 – 29 kuwaa oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan .

Xoghayaha guud ee golaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo quseeya dhalinyarada Qaaradda Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed  Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo maalinta Barri ah waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hoggaaminta Qaraadda.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment