2982 Views

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo qaaraan uruurin u aadaya 3 Wadan oo Afrika ah.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo qaaraan uruurin u aadaya 3 Wadan oo Afrika ah.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa faahfaahiiyay Safar maalmaha soo socdo uu qorsheynayo inuu ku tago 3 Wadan oo dhaca Qaarada Afrika.

C/xakiin Xaaji C/llaahi Cameey ayaa sheegay in Wadamada uu tagayo ay kala yihiin Jabuuti, Zambia iyo Kenya halkaas uu kula kulmi doono Jaaliyada Soomaaliyeed uu ku nool dalalkaas gaar ahaa kuwa ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.

Ujeedka Safarkiisa ayuu ku sheegay iney tahay sidii dhaqaale looga soo uruurin lahaa Jaaliyadahaas oo la doonayo in dayactir iyo balaarin loogu sameeyo Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Cameey waxa uu sheegay in Isbitaalka Gaalkacyo uu Burbur xoogan ka soo gaaray Qarixii Ismiidaaminta eheyd ee ka dhacay Waqooyiga Magaalada Bishii Augost Sanadii hore oo ay ku geeriyoodeen dad aad utira badan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment