2376 Views

Shacabka reer Kenya oo u dhagtaagaya natiijada rasmiga ah ee doorashada

Shacabka reer Kenya oo u dhagtaagaya natiijada rasmiga ah ee doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Waxaa maanta oo jimcaha ah dadka reer Kenya ay u dhega taagayaan ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashadii talaadadii ay u dareereen.

Mucaaradka ayaa dhinaca kale sii wada diidmadooda ku aadan natiijada ilaa iyo hadda la shaaciyay, iyagoo qamiistii shalayna sheegay in murashaxooda, Raila Odinga, uu yahay midka sida xaqqa ah ku guuleystay.

Shalay galab Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Waxaa la filayaa in wixii 12ka duhurnimo ka dambeeya lagu dhawaaqo cidda ku guuleysatay madaxweynenimada Kenya.

Natiijada horu-dhaca ah ee ay guddiga doorashadu sii daayeen ilaa iyo hadda ayaa muujineysa in Madaxweynaha Kursiga difaacanaya Uhuru Kenyatta uu ka horeeyo, Hogaamiyaha Mucaaradka Ra’ila Odinga sagal buundo.

Laakiin mucaaradka ayaa natiijadaasi diidan, iyagoo ku tilmaamay mid la musuqmaasuqay, ka dib markii la jabsaday sida ay ku doodayaan computerada guddiga doorashada Kenya.

Khamiistii shalayna Madaxa Guddiga Doorashada Chebukati waxa uu sheegay inuu jiray isku day lagu doonayay in loogu dhaco komputeradooda, markii ay codeyntu soo dhamaatay ka dib, hasa yeeshee lagu guul dareystay.

Mucaaradku waxey sheegayaan in xisaabtoodu ay muujineyso in Odinga uu Kenyatta kaga adkaaday wax ka badan 600 oo kun oo cod.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment