3213 Views

42; qof oo ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay Masar

42; qof oo ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017: –Ugu yaraan 42; Qof ayaa ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay Dalka Masar,sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Shilkan ayaa ka dhashay kaddib markii shalay oo jimco ahayd ay isku dhaceen labo ka mid ah Tareennada aDalka Masar,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Toboneeyo kale.

Shilkan waxaa uu ka dhacay magaalada Xeebta ee Alaksaandariya,waxaana Qof ka mid ah dadka degaanka oo saarneyd qeybta sare ee dhismaha ay deggan tahay ayaa sheegtay in mid ka mid ah Tareennada uu kor u booday inta uusan ku dhicin kan kale kaddibna uu ku rogmaday.

z1

Hishaam Carafaad,waa Wasiirka Gaadiidka Dalka Masar,waxaa uu sheegay in waxa dhacay ay yihiin Khalad Bano’adam,sidaas darteedna ay dowladda isku dayday in ay sameyso waddooyin nadiif ah oo ay Tareennada maraan.

Dhismayaasha Waddooyinak Tareennada Masar ayuu sheegay in dowladda ay ku waddo horu marin,sidaas ay tahayna haddana ay mararka qaar dhacaan shilalka noocan ah ee sababa dhimashada badan.

2013kii, 19 Qof ayaa ku dhintay kaddib markii uu shil galay Tareen waday Dhallinyaro ay dowladda Askar ahaan u qoratay oo tababar ka soo laabtay,sidoo kale 2015kii 7 Qof ayaa dhimatay kaddib markii Tareen iyo Bas waday Ardey Iskuul leey ah ay isku dhaceen.

z2

2012kii 50 Qof oo u badan Ardey Iskuulley ah ayaa ku dhintay kaddib markii uu Tareen ku dul dhacay bas ay saarnaayeen Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar.

Waddooyinka Gaadiidka iyo kuwa Tareennada Masar ayey dadweynaha ka sheegtaan dhibaatooyin badan oo ay mid tahay shilalka Gaadiidka ee ay dadka badan ku dhintaay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment