2658 Views

Ciidanka dowladda oo la wareegay degaanka Abal ee ay ku dagaalameen Al-shabab iyo Abuu Mansuur

Ciidanka dowladda oo la wareegay degaanka Abal ee ay ku dagaalameen Al-shabab iyo Abuu Mansuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017: -Wararka ka imanaya Degaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degaankaas.

Todobaadkii la soo dhaafay degaankaas oo saldhig u ah Abuu Mansuur,ayaa waxaa ku dagaallamayay Ciidamo isaga daacad u ah iyo kuwa Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegayaa in ay degaankaas la wareegeen kaddib dagaalkii shalay ka dhacay halkaas ee u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Sheekh mukhtraar Roobow.

Ciidamada Amuu Mansuur ayaa la sheegayaa in ay ku suganyihiin Buuroleyda Abal,halka degaankaas ay Ciidamada dowladda tageen.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA,C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde oo ah sarkaal ka tirsan Ciidamad Dowladda ee degaankaas tagay ayaa sheegay in Ciidamada ay halkaas u tageen in ay la dagaallamaan Al-shabaab.

Wali degaankaas waxaa ka taagan xiisadda u dhaxeysa Al-shabaab iyo Ciidamada taabacsan Abuu Mansuur,waxaana soo baxaya in dhinacyada degaankaas ku dagaallamay ay dhaq dhaqaaq Ciidan sameynayaan.

 

Isha:SONNA.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment