6783 Views

Danta Na Doorbiday Maxay tahay In Dalaga Ka soo baxo Dalkeena laga keeno Dibadda ?

Danta Na Doorbiday Maxay tahay In Dalaga Ka soo baxo Dalkeena  laga keeno Dibadda ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017: –Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan ganacsigooda uu ku tiirsan tahay waxyaabaha laga keeno wadamada kale ,sababta oo ah ma lahan warshado ay dowladda leedahay kuwaasi oo ka shaqeeya sidii waxyaabaha Dalka laga heli karo loo horumarin lahaa waxa ay taasi dhashay saameyn aan wanaagsaneyn oo ah cunooyin dalka laga heli karo, iyaga oo ganacsi ah laga keeno dalka dibadiisa.

y3

Waxa  ay taas niyad jab ku riday beeraleyda dalka ee ku howlan tacabka beeraha iyo dadka waxyaabaha dalka ka soo go’a suuqa keena si ay uga sii ganacsadaan ,waxaa arrintaasi sii fogeeyay ma jiro sharci xadidayo nooca ay tahay badeecada laga keeni karo dalka, in kastoo baarlamaanka soomaaliya ay maalmo ka hor soo gudbiyeen mooshin dhiiro galinayo isticmaalka iyo ka ganacsiga waxyaabaha ka soo baxa wadanka intii dibada laga keen lahaa.

y1

Wax soo saarka wadanka oo la dhiiro galiyo waxaa ka dhalan karto faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay in dadku ay helaan shaqo abuur fiicaan , sidoo kale waxaa saro ku kacayo dhaqaalaha wadanka maadaama miisaaniyada dowladda ee sanadkan noqotay 260 Milyan oo dollar ,saro u kaceedana ay ku xiran tahay dhaqaalaha ka soo xarooda is gaarsiinta iyo ganacsiga haddaba muhiimada intaasi ka badan oo ay leedahay dhiiro galinta dalaga wadanka ka soo baxo waxa aan idiin kaga diyaarinay

y2

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment