2559 Views

Dhallinyaro Somali ah Oo mar kale Lagu Maxkamadeenayo Hindiya

Dhallinyaro Somali ah Oo mar kale  Lagu  Maxkamadeenayo Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017:18-Maxaabiis Soomaali ah ayaa ku xiran wadan Hindiya, waxayna Maxkamadda Mombai Shalay xukun ku riday 26-Maxaabiis loo heysto Burcad Badeednimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in xukunka raggaan ay soo dadajineyso in Soomaaliya ay ku qaataan Muddo Xabsiyeedka lagu xukumo, waxaana 26-kii shalay la xukumay lagu riday 7-sano oo xabsi ah iyo ganaax.

Inkastoo isku kiis ay yihiin 61-qof ee xukun sugayaasha ah, waxaana suura gal ah in uu xukunkooda ka duwanaado, Heshiis ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa dhigaye in xukunka dhalinyaradaan Soomaalida uu Hindiya ka dhaco, balse Xabsiga ay Soomaaliya ku qaataan.

Sidoo kale Heshiiska waxaa kamid ahaa in hadii la damco in laga cafiyo Xukunada ku dhaco ay go’aankaas leedahay Xukuumadda Hindiya maadaama iyagu ay ka galeen dambiyo sida heshiiska ku cad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment