2325 Views

Midowga Afrika oo Ciidamo Boolis u tababaraya Hirshabelle

Midowga Afrika oo Ciidamo  Boolis u tababaraya Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017:Howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in Ciidao Boolis ah uu u tababarayo maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliska ah ayaa tiradooda lagu sheegay 1,000 Askari, 600 oo ka mid ah waxaa ay ka iman doonaan Magaalada Baladweyne,halka 400 oo kalena ay ka iman doonaan magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

“AMISOM,waxaa ay sii wadi doontaa,tababariidda,dib u dhiska,Qalabeynta iyo diyaarinta Booliska Soomaaliya,waana shaqo naga go’an ka AMISOM ahaa,waxaa kale oo aan hagaajineynaa xarumaha Boolisk sida Sladhigyada iyo guryaha Saraakiisha ,si loo gaaro hadafka aan halkan u joogno”,sidaas waxaa yiri Chikunguru Maxwell oo ah isku xiraha Booliska AMISOM.

Waxaa uu sheegay in Tababarkan uu sare u qaadayo xirfadaha Askarta Booliska ah,oo ay ka mid tahay in la sugo nabad gelyada Dadka Soomaaliyeed,baaritaannada dambiyada fud fud iyo waxii la mid ah .

Maxwell ; waxaa uu ka hadlayay socdala labo malain qaatay oo ahaa sahan lagu sameynayay Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,si loo sahmiyo Leyliga Booliska Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment