20862 Views

Mooshin Laga Keenay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle

Mooshin Laga Keenay  Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017: Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa wada olole ka dhan ah Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo si weyn uga soo hor-jeestay illaa 7 degmo oo uu labo todobaad gudahood ku magacaabay.

Guux aad u weyn ayaa laga dareemayaa Xildhibaanada, iyadoo inta badan Xildhibaanada labadii maalmood ee u dambeeyay dib ugu laabanayeen magaalada Jowhar, kuwaasoo muddo ku sugnaa Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in lagama maarmaan ay tahay in is bedel uu dhaco, iyagoo tilmaamay in badbaado uu u baahan yahay Maamulka Hirshabeelle, maadaama madaxdiisa aysan waxba ka qaban waxyaabihii loo igmaday.

Kalfadhiyada Baarlamaanka Hirshabeelle oo ahaa mid habacsanaan uu ku jiray, kulamadiisana uu ahaa mid gaabis ayaa la filayaa in maalmaha soo socda dib loo furo, iyadoo uu socdo mooshin la doonayo in laga geeyo Madaxweynaha Hirshabelele.

“Horay waxaa qaati ka taagneyn Digreetooyinka dadeed ama magacaabista shaqsiyaadka, haatan waxaa soo korortay digreeto degmo”ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa shirar gaar gaar ah ku yeelanaya magaalada Jowhar, iyagoo ololahooda yahay sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Madaxweyne Cosoble, waxaana la ogeyn sida ay ugu guuleysan doonaan arrintan.

Dhowr jeer oo hore ayaa Xildhibaanada mar ay sidan oo kale ugu kaceen Madaxweyne Cosoble la xaliyay, iyagoo qaarkood la afgartay, hase ahaatee waxaa la ogeyn sida markaan iyagoo isku duuban ay go’aan mid leh u qaadan karaan, mar hadii horay loo kala fur furay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment