3324 Views

Shariif Xasan Oo Ku Wajahan G/Bokool

Shariif Xasan Oo Ku Wajahan G/Bokool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017:–Madaxweynaha maamulka K/glabeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa in Maanta   oo Sabti ah uu tago degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Warar ay Qaranimo Online  ka heshay madaxtooyada Baydhabo, waxay sheegayaan in Shariif Xasan iyo xubno kamid ah wasiiradiisa saacado kadib halkaasi aadi doonaan.

Ulajeedka safarkaan ayaa lagu sheegay oo kaliya howlo la xiriira shaqooyinka maamulka.

Safarkaan Shariif Xasan ku aadayo Xudur, wuxuu kusoo beegmayaa xilli wasiiro ka tirsan maamulkiisa ay ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Abal oo ay ku dagaallameen dhowaan Al-shabaab iyo ciidanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment