3774 Views

WAX WALBA RUN MOODAA RAG U LIITA !

WAX WALBA RUN MOODAA RAG U LIITA !
____________________________________________________________________________

Maamul walba waxa uu leeyahay meel laga weeraro ama mucaaradnimadiisu ka timaado, maamulkan maanta jira waxay dadka Mucaaradaa ugu jecel yihiin inay war xun ka maqlaan amni xumada, ma aha midda guud ee dalka ee waa tan Muqdisho keliya.

Waxaa beryihii hore dadku sheegi jireen jid baa la xiray iyo lama socon karo magaalada iyadoo ay qiil uga dhigayeen in maamulkani magaaladii kala xanibay, laakiin aysan inaba wax ka ogayn markii siyaasad cusub oo hay’adaha amnigu tijaabinayaan in la dhaqan geliyo marka hore biloowgeedu jawiga bedeli karo.

Dhulalka Westren-ka ah waxaan ku aragnaa markii wado jajaban la doonayo in la dayactiro in marka hore la xiro dhamaan wadadaas iyo meelaha laga soo geli karo iyadoo kalifta in gawaaridu xanibanto waqtiga howshaasi socoto, kedib markii dhismahaasi dhamaadana la arko wado ka qurux badan tii hore gaadiidku isticmaalaan.

Sheekada aan u socdaa waxay tahay Magaalada Muqdisho labadii maamul ee ka horeeysay maamulkan hada jira dhibaatada iyo qaraxyada ka dhaca waxaa ka guban jiray dadka ku abtirsada beelaha Muqdisho iyo kuwa ku haybta ahba, iyadoo eedaas iyo dibbindaabyadaas dusha loo saari jiray maamullada Puntland iyo Somaliland laguna sheegi jiray inay iyagu doonayaan inaysan magaaladu xasilin amaankuna cirka isku shareero si maamulku uusan u caga dhiga.

Hadaba maanta maxaa dhacaya dadkii shalay ku eedeeynayay qabaa’il kale ayaa waxay ku tartamayaan inay iyagu maqlaan buunbuuniyaan dhibka iyo qaraxyada ka dhaca Muqdishio, iyadoo dadka hayb ahaan ka soo jeeda Muqdisho aad u xiiseeynayaan qarax ama dil ka dhaca Muqdisho, iyadoo reerihii hore loogu eedeeyn jiray ay u duceeynayaan halka reeraha USC ay ku farxaan kuna soo degdegaan ka doodida sheekooyinka dhibka muqdisho keliya.

Waxaa kaloo ay ka faaloodaan bilic u sameeynta magaalada, nadiifinta magaalada, sugidda amaanka Muqdisho iyagoo intaba u muujinaya inay tahay howl aan loo baahnayn ee waqti lumis iyo siyaasad xumi ah.

Su’aasha aan is weeydiiyay Muqdisho yaa iska leh ilayn kuwii sheeganayay aayaan NABAD, HORUMAR & BILIC u ogolayne ?

Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment