2760 Views

Abuu Mansuur oo isku dhiibay

Abuu Mansuur oo isku dhiibay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 13, 2017:–Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar; ayaa Qaranimo Online  u xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu isku dhiibay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Dowladda ay ka wadeen Abal,haddana ku sii socdaan Xudur.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Wadahadal ay la galeen Sh. Mukhtaar uu ku oggolaaday in uu tago magaalada Xuddur,halkaas oo uu ku sii sugnaanayo.

Inta badan Ciidamadiisa ayaa looga soo tagay Abal sida uu sheegay Afhayeenka Koofur Galbeed,Nuuraddiin,waxaana uu sababta ku sheegay in ay halkaas u joogaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab.

Maamulka Koofur Galbeed waxaa uu intaas ku daray in wadahadallada u dhaxeeya Abuu Mansuur iyo maamulkaas ay sii socon doonaan.

Afhayeenku waxaa uu ka gaabsaday in  Abuu Mansuur uu muddo joogayo Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment