2607 Views

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa AMISOM Oo Muqdisho tababar loogu soo xiray

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa AMISOM Oo Muqdisho tababar loogu soo xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 13, 2017:–Ciidamo ka socday Dowladda Uganda islamarkaana lagu biiriyay howlgalka AMISOM ayaa loo soo gaba gabeeyay todobaad wacyi gelin iyo tababar dhaqameed ahaa.

Ciidamada ayaa waxaa lagu beddelay kuwa ka socday isla Dalka Uganda oo dhameystay shaqada halkii sano ay ka hayeen Soomaaliya,waxaana hadda kaddib ay rasmi uga howlgali doonaan AMISOM.

Rex Dundun, oo ah Madaxa  shaqaalaha Booliska AMISOM ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay Ciidamadan qaadayaan ay tahay aqlaaqdooda oo ay hagaajiyaan,in dadka ay si waanagsan ula dhaqmaan kadidbna gutaan waajibka Afrika ee Soomalaiya sida uu yiri.

Waxaa uu intaas ku daray in Ciidamadan loo keenay Soomaaliya sidii ay u soo celin lahaayeen sharciga iyo kala dambeynta si taas ay u suuragashana loo baahan yahay in Ciidamada AMISOM ee cusub ay iyaga iska billaabaan,markaas kaddibna u dhaqaaqaan fulinta waajibaadka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment