2496 Views

Wafdi ka socda D.Federaalka Oo Gaaray Xudur

Wafdi ka socda D.Federaalka Oo Gaaray Xudur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 13, 2017:–Kaddib markii saaka Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ay degaanka Abal ee Gobolka Bakool ka wadeen Abuu Mansuur waxaa soo baxaya wafddi ka socda Dowladda Soomaaliya oo iyana gaaray Magaaladaas.

Wafddi uu hoggaaminayo Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya  C/Rashiid Cabdullahi Maxamed ayaa gaaray Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka iyo Wafddigiisa ayaa la filayaa in ay kulan la qaataan Sh. Mukhtaar Roobow Cali oo saaka isku dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee jooga Gobolka Bakool.

Al-shabaab iyo Abuu Mansuur ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaallamay degaanka Abal  oo 18km u jirta Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolkaas.

Sidoo kale Magaalada Xuddur waxaa tagay Mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Koofur Galbeed oo uu ka mid yahay Wasiirka amniga maamulkaas iyo XIldhibaanno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment