2748 Views

Ciidamad AMISOM oo digniin loo diray

Ciidamad AMISOM oo digniin loo diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Taliyaha ciidamada Booliska AMISOM Rex Dundun oo la hadlaayay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska AMISOM, ayaa u sheegay in ciidamada laga doonaayo inay hanaan wanaagsan kula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed, isagoona sidoo kale sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Rex Dundun ayaa xusay in ciidanka Booliska AMISOM la doonayo inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dalka Soomaaliya, balse marnaba aanan la dooneyn inay dhibaateeyaan dad shacab ah.

“Qorshaha shaqadeena waa ka shaqeynta ammaanka dadka Somaliyed, balse marna waxaan uga digayaa ciidamada inay ku xadgudbaan shacabka Somaliyed.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Amisom Rex Dundun.

Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay dhibaato u geystaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay Ammaankooda ilaalilaayaan.

Ciidamada AMISOM ayaa dad badan oo Shacab ah Siyaabo kala duwan ugu jiiray Magaalada Muqdisho wadooyinka ku yaalla.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment