2994 Views

Maamulka Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Puntland

Maamulka Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Maamulka Somaliland ayaa sheegay in doorashada maamulkaasi ay ka dhici doonto Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin maamulka Puntland.

Somaliland waxa ay sheegtay in Puntland aysan sheegankarin degaano hoos yimaada maamulka Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) ayaa xusay in Somaliland ay leedahay ciidan difaacikara xuduudaheeda, isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ka waddo gobolada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidkaste oo kusoo xadgudubta degaanadeeda.

Doorashada ayuu sheegay in ay ka dhici doonto Sool iyo Sanaag,islamarkaana halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yuusuf ayaa horay Somaliland ugu baaqay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha amniga, si shacabka labada dhinac ay u nabad galaan.

Axmed C/laahi Yuusuf ayaa maamulka Somaliland ka dalbaday in ay yareeyaan wax walba oo dhib keenaya, si loo helo xal walba oo nabad iyo wada noolaansho lagu heli karo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment