3012 Views

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo heshiis wada gaaray

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo heshiis wada gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Wafdi ka socda Wasaaradda Gaanshaandhiga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika waxa ay kula kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Wafdi Soomaaliya ka socday ayaa intii ay joogeen dalkaasi waxa ay booqdeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, sida Wasaaradda Gaashaandhiga.

Wasiirkii hore Wasaaradda Gaashaandhiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca,Xuseen Carab Ciise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada Koonfur Afrika.

“Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno iskudhafka Ciidamada madaama ay kasoo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimiquraadiyad iyo wadashaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto Hay”adaha Amminga iyo Dastuurka” ayuu yiri.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,Sonkor Geelle ayaa isna Warbaahinta u sheegay in labada Dowladood ay kulamo kale ku kala saxiixan doonaan qodobo ay ka mid yihiin Amminga,Dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim ah.

z

x

m

e

c

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment