2673 Views

Hadal ka soobaxay QM oo laga jawaabey

Hadal ka soobaxay QM oo laga jawaabey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 15, 2017 – Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ayaa ka jawaabay Warqad qoraal ah oo dhawaan kasoo baxday wakiilada Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal keating.

Warqadda kasoo baxay Micheal Keating ayaa aheyd eedeyn ku aadan in aan Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada Aqal aan lagu soo darin haween, taasina ay wax u dhimeyso saamiga qeybsiga loogu tala galay in ay qaataan haweenka Soomaaliyeed dhanka Siyaasadda.

Warqad kasoo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa lagu sheegay  in Dastuurka Soomaaliya uu caddeeynayo saamiga haweenka sidaas darteedna aysan jirin ku talo gal toos ah oo ka dhan ah Haweenka.

Waxaa uu sheegay Markii Guddigaasi loo tartamaayay kaliya Hal Gabadh in ay isasoo  sharraxday,islamarkaana ay kuu guuldareysatay in ay ka mid noqoto.

Gudoomiyaha ayaa xusay in dhammaan doorashadii ay kusoo baxeen Shanta xubnood ee Aqalka Sare u mataleysa Guddiga Dastuurka ay kusoo baxeen si Caddaalad ah.

“Qodobka 133aad ee Dastuurka Soomaaliya uu farayo in Gole kasta oo ka mid ah labada aqal laga rabo in ay soo doortaan shan xubnood oo ku matasha dib u eegista dastuurka,Aqalka sarena uu mas’uul ka yahay 5ta Xubnood ee uu doortay sidaasna ay doorashadooda ku dhacday” ayaa lagu yiri Warqadda kasoo baxay Guddoonka Aqalka Sare.

saaab

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment