3189 Views

Sawiro:- Madaxweynaha Hirshabelle oo dafiray xilkaqaadistii lagu sameeyey

Sawiro:- Madaxweynaha Hirshabelle oo dafiray xilkaqaadistii lagu sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 15, 2017 – Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jowhar, ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 Xildhibaan.

Cosoble, ayaa sheegay in hareerihiisa ay taagan yihiin Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan, isaga oo sheegay inaysan jirin tirada Xildhibaanada ay ku sheegeen kuwa xilka ka qaaday.

Wuxuu sheegay Mooshinka laga keenay inuu yahay mid sharcidaro ah, islamarkaana sidaasi aanan xilka looga qaadi Karin, isagana uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu sheegay Mooshinka Xildhibaanadii waday inay gudbiyeen sida ay sheegeen maalin ka hor, maalintii xigtana ay sheegeen inay xilka ka qaadeen, taasi oo muujinaysa ayuu yiri inay tahay arin aanan sharci aheyn.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, qaarkood oo taageersan Cosoble, ayaa meesha ka sheegay inaysan jirin tirada Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen Cosoble.

x1

000000

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment