2832 Views

Xilkii uu iskacasilay C/Raxmaan Faroole oo maanta lootartamay

Xilkii uu iskacasilay C/Raxmaan Faroole oo maanta lootartamay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 15, 2017 – Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, Fartaag; ayaa ku guuleystay Kursigii uu ka tagay C/Raxmaan Maxamed Faroole ee xubinta Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal.

Fartaag,waxaa kursigan kula tartantay Shukri,waxaana Fartaag uu helay 24 cod halka Xildhibaanad Shukri ay heshay 22 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ayaa waxaa uu ka koobanyahay  10 Xubnood oo min shan xubnood ay ku leeyihiin Golaha shacabka iyo aqalka  sare.

C/Raxmaan Faroole ayaa dhawaan u tartamay guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada gole,waxaana uga guuleystay Cabdi qeybdiid,kaddibna waxaa uu C/Raxmaan Faroole ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimada Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Waxaana Maanta ku tartamay Xildhibaan Fartaan iyo Xildhibaanad Shukri iyada oo uu ugu dambeyn ku guuleystay C/llahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment