2508 Views

Dowlada Mareykanka oo soo dhaweeyay in Abuu Mansuur ka baxay Al-shabaab

Dowlada Mareykanka oo soo dhaweeyay in Abuu Mansuur ka baxay Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 16, 2017 – War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu bogaadiyay ka bixitaanka Abuu Mansuur ee Al-shabaab,waxaana ay dowladda Mareykanka ku baaqday sii socoshada arrimaha noocan ah.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Mareykanka sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay sidii ay uga caawin lahayd arrimahan.

In Abuu Mansuur ka baxo Al-shabaab ayey Dowladda Mareykanku sheegtay in ay ahayd howl ay hoggaankeeda lahayd dowladda Soomaaliya,Mareykankana ka ahaa taageere.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageersan tahay hanaanka Dowladda Soomaaliya ula dhaqmeyso dadka is dhiibaya ee ka tirsan AL-shabaab,waxaana ay ku baaqday in si wanaagsan loola dhaqmo kuwa horay isu dhiibay iyo kuwa hadda kaddib isdhiibi doona.

Waxaa ay ku baaqday in Dowladda Soomaaliya ay abuurto waddo nabadeed ee dadka xubanaha ka ah Al-shabaab u suuragelin karta in ay ka baxaan,iyada oo intaas ku dartay in dib u heshiisiintana ay kaalin muhiim ah ku leedahay arrintaas.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment