6282 Views

Tacsi – Cabdiraxmaan Jaamac Barre

Tacsi – Cabdiraxmaan Jaamac Barre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 16, 2017 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Abdirahman Jama Barre oo hore u noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumaddii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibanaa.

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ayaa labo xilli noqday Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxa uu ahaa siyaasi indheer-garad ah, macallin iyo barbaariye.

Allah u naxariisto, Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa Wasiirka lixaad (6,aad) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ka shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda muddo ku siman 11 sano, waxa uu u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment