2814 Views

Taliyaha Guud ee Ciidanka Uganda oo soo gaaray Muqdisho

Taliyaha Guud ee Ciidanka Uganda oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 16, 2017 – Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) General David Muhoozi ayaa Talaadadii booqasho rasmi ah ku yimid dalka Soomaaliya.

Booqashadii uu ku imaaday Soomaaliya oo ku saabsan hawlo qiimayn joogto ah, ayaa ah tii ugu horreysa tan iyo markii loo magacaabay taliyaha ciidanka difaaca.

Gen. Muhoozi ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Osman Nuur Soubagleh iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Ambassador Caetano Madeira. Waxay ka wada hadleen xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo taageero geedi socodka nabadda.

David Muhoozi ;Ayaa amaanay Cidamada kaalinta Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo uu sheegay in ay shaqo fiican ka qabteen Soomaaliya.

Waxaa uu booqan doonaan Saldhigyada Ciidamada AMISOM,gaar ahaan kuwa Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Taliye qeybeedyada Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya.

David Muhoozi,waxaa uu ka tacsiyadeeyay Ciidamada Uganda ee dhawaan lagu laayay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana uu sidoo kale caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.

Ambassador Madeira, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee AMISOM ka midka ah ay hayaan shaqo wanaagsan oo uu uga mahad celinayo shaqada ay ka hayaan Soomaaliya,isaga oo ugu hambalyeeyay Dowladda Uganda kaalinta ay ku leedahay AMISOM.

1 12 14

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment