2883 Views

Madaxweynaha Maamulka Putland oo kulan laqaatay madaxa xafiiska UNSOM

Madaxweynaha Maamulka Putland oo kulan laqaatay madaxa xafiiska UNSOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 August 2017 – Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyadda Garoowe casho sharaf ugu sameeyey wefti uu hogaaminayo madaxa xafiiska UNSOM Puntland Mr. Howard Bell, waxaana ay muhiimadda casho sharaftani ahayd sagootin uu Madaxweynuhu u sameeyey  Mr. Howard Bell oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey kulankani casho sharafta ah masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Mr. Howard Bell uu waxbadan ka Qabtay hawlaha xafiiska UNSOM Puntland muddadii uu haa madaxa xafiiskaasi, Madaxweynaha yaa sidoo kale sheegay in uu kaalin lixaadle ka qaatay hanaan kii doorasho ee DFS gaar ahaan kuwii ka dhacayey dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku amaanay Mr. Howard Bell inuu yahay shakhsi ku suntan shaqo wanaag, daacadnimo, karti iyo aqoon, isla markaana masuuliyad gaara iska saara sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadan fullinta mashaariicaha horumarineed ee hay’adda UNSOM ka fulliso dawladda Puntland.

p2

p5

p4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment