3102 Views

Madaxweynaha Turkiga oo warqadihiisa aqoonsi ka gudoomay Safiirka Somaliya.

Madaxweynaha Turkiga oo warqadihiisa aqoonsi ka gudoomay Safiirka Somaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 August 2017 – Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta Waraaqihiisa Aqoonsi ee Danjirenimo ka gudoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ufahinaya Dalka Turkiga.

Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed (Jaamac Ceydiid) ayaa Waxaa Waraaqihiisa Safiirnimo looga gudoomay Xarunta Madaxtooyada oo loogu sameeyay munaasabad kooban.

Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa waxa uu kamid ahaa 3 Safiir uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo kadib markii 8-dii February loo doortay Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa uga mahadceliyay Erdogan qaabilaada uu usameeyay, wuxuuna amaanay doorka Dowladda iyo Shacabka Turkida ay ka geysteen horumarinta Soomaaliya.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto taageerada ay la garabtagaantahay Shacbiga Somaliyeed ee soo bilaabatay Sanadii 2011-Kii, xiligaas oo Somaliya ay kajirtay abaar xoogan.

Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed (Jaamac Ceydiid ayaa noqonaya Safiirkii 3-aad ee Somaliya umagacaabato Dalka Turkiga tan iyo 2011-kii.

a

a2

a3

a4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment