4104 Views

Villa Soomaaliya oo u wareegtay adeegsiga Soollarka

Villa Soomaaliya oo u wareegtay adeegsiga Soollarka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 August 2017 – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiratay Boorarka Soollarka ee laga dhaliyo Korontada ka dhalata cadceedda,waxaana arrintan kala shaqeysay UNDP.

Warbixin ay daabacday UNDP ayaa lagu sheegay in 35% Shidaalkii ku bixi lahaa Matoorrada Madaxtooyada uu baaqanayo islamarkaana beddelkeeda la adeegsanayo koronto laga dhaliyay Soollarka Cad ceedda.

Madaxtooyada ayaa lagu dhejiyay 298 Boorarka Soollarka Cad ceedda ah,kuwaas oo marka ay si rasmi ah u shaqeeyaan Madaxtooyada ka caawineysa adeeg kaga filan Korontada laga dhaliyo Shidaalka ee Matoorrada loo adeegsado.

Boorarka Soollarka ee hadda xiran ayaa waxaa ay baajin karaan 120 Liter oo Shidaal ah maalinkiiba,iyada oo UNDP ay ku sheegeyso in talaabadan ay sidoo kale qeyb ka qaadan karto badbaada degaanka.

Soollarka hadda lagu dhejiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaaraya 76KVA hybrid solar,iyada oo la adeegsan karo 310 maalmood,loogana faa’ideysan karo ileyska Qorraxda muddo 3,000 oo Saacadood ah,kuna filan Sanadkii oo dhan.

Ra’isalwasare ku xigeenka Soomalaiya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo dhaweeyay arrintan,waxaana uu ku tilmaamay in ay badbaado u tahay degaanka.

UNDP,waxaa ay sheegtay in mustaqbalka dhow 500,oo Boorarka Soollarka ah la dhejin doono kuwaas oo la geynayo xafiisyada kale ee dowladda iyo Goobaha Barakacayaasha ee ay Maamusho Qaramada Midoobey,waxaana la filayaa in loo tababaro 50 Dhallinyaro ah oo ka shaqeeya hagaajinta Soollarka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment