2730 Views

Golaha aqalka sare oo deg deg ugu yeeray Wasiir Ka TirsanGolaha Wasiirada

Golaha aqalka sare oo deg deg ugu yeeray Wasiir Ka TirsanGolaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 19, 2017-Guddoonka Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta si deg deg ah ugu yeeray Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

Arrintan waxaa ay timid kaddib markii uu furmay kulankii Golaha aqalka sare ee maanta ayaa Xildhibaannada aqalka sare ee ka soo jeeda Hirshabeelle dalbadeen in Wasiirka hor yimaado.

Xubnaha aqalka sare ayaa ka carooday Sababta Xukuumadda Soomaaliya ay Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha ugu dirtay Jowhar iyada oo aan laga talo gelin Golaha aqalka sare.

Sida ku qoran Dastuurka KMG ah Xubnaha aqalka sare waxaa ay matalayaan Dowlad Goboleedyada ka jira dalka,waana midda keentay in xubnaha Aqalka sare oo arka in howshoodii la qabsaday keentay in ay u yeeraan Wasiir Juxa.

Kulan ay albaabada u xiranyihiin ayaa mUqdisho uga socda Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo saddexda Guddoomiye ee Golaha aqalka sare,waxaana ay ka wada hadlayaan xaaladda Hirshabeelle oo uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo sababay in Xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Cosoble.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment