4686 Views

Habeenkii uusan Hurdin Maxamed Bin Naayif !

Habeenkii uusan Hurdin Maxamed Bin Naayif  !
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 19, 2017-Wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Mareykanka ayaa ku faafiyey  faahfaahin cusub oo ku saabsan habkii dhaxal sugihii boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Naayif uu boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis uga wareejiyey  in uu sii ahaado dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudi Carabiya, islamarkaana ugu beddelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis.

Habeen dhan ayay qaadatay in Boqortooyadu isugu tagto sidii xilka dhaxalka loo dhaafin lahaa Maxamed Bin Naayif, looguna Beddeli lahaa wiilka Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis.

1

Habeenkaasi waxa uu ku dhammaaday iyada oo aan Maxamed Bin Naayif il isku qaban, waxa uu ahaa habeen dheer oo boqortooyadu cadaadis ku saartay in dhammaan xilalka uu hayo oo uu ugu weyn yahay kan dhaxal sugaha boqortooyada uu ku wareejiyo wiilka Boqor Salmaan, Maxamed Bin Salmaan, waxa ay ahayd in uu ka tanaasulo xilka islamarkaana la galo ballan ama Bayco Amiirka dhalliyarada ah, taasina waxa ay noqotay howl adag oo aan si sahlan u dhicin iyo qorshe meesha ka saaray hannaanka dhaxal sugaha ee Sucuudigu ka hadlo.
Faahfaahinta waxaa ku jira sheeko xiisa leh oo ku saabsan sida sirdoonka Mareykanku, gaar ahaan hay’adda CIA;du ay isha ugu haysay isbeddelka hannaan dhaxalsugenimada ee boqortooyada Sucuudiga.

Sida caadada ah Qoyska reer boqor ee Sucuudigu waxa ay sanad walba yeeshaan kulan weyn, si gaar ah maalmaha u dambeeya bisha Ramadaanka, kulankaas waxa guddoomiya boqorka oo kaa shanaya jilibweynta boqortooyada, waxa uu inta badan a dhacaa magaalada Barakeysan ee Maka, kulankii ugu dambeeyey waxa uu dhacay 20-June, sanadkan 2017; Boqorka iyo kalkaaliyeyaashiisa iyo madax sare oo dhinaca ammaanka boqortooyada ah ayaa ku kulmay Qasriga Safaa ee magaalada Maka, Casuumaddu waxa ay ka timid dhinaca boqor Salmaan, maaddaama uu si weyn uga duwanaa kulamadii ka horreeyey.

02

Sida ay  New York Times; ka soo xigatay madax Mareykan ah iyo dad ku dhow qoyska haya talada Sucuudiga waxa ay madaxda badankoodu ka warheleen maalmo ka hor xilligii caadiga ahaa in kulanku dhacayo, uuna si gaar ah ugu yeeray Boqor Salmaan, halkii shirka sanad laha ah la sii sheegi jiray qorshaha iyo arrimaha looga hadlayo.
Habeenkaas Saq dhexe ayaa loo yeeray Maxamed Bin Naayif; si uu ula kulmo  boqor Salmaan, waxa la geeyey qol gaar ah waxaana laga qaaday qalabkiisii xiriirka sida Taleefanka gacanta, computerka guurguura (Laptop) iyo dhammaan wixii uu kula xirir karay cid kale, kadib waxa la weydiistay in uu ka tanasulo xilkiisa dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga.

Salaadda Subax ka hor

Maxamed Naayif; oo 57; jir ah waa diiday dalabkaas billowgii hore, kadib saacado badan iyo waqti dheer oo lala hadlay waxa qabtay daal iyo tabardarro badan, taas oo cadaadis badan saartay xannuunka Sonkorta oo uu qabay.

Ka hor salaaddii subax ayuu soo dabcay waxa uuna ogolaaday in uu u tanaasulo Maxamed Bin Salmaan

New York Times; ayaa ku warrantay in iskudaygii dilka ahaa ee Maxamed Bin Naayf uu la kulmay sanadkii 2009; uu ku reebay saameyn xun oo haleeshay caafimaadkiisa, taas oo aad uga ballaarnayd sidii ay warbaahinta boqortooyadu sheegtay

Waxa ay faafisay New York Times; in Qaraabadiisa iyo saaxiibadii ay muujiyeen sida ay uga welwelsan yihiin caafimaadka Maxamed Naayif; tan iyo sidii uu uga badbaaday iskudaygaas dilka ahaa oo ku dhacay sanadki 2009; kaas oo sababay in garaaca wadnihiisu hoos u dhaco, islamrkaasna uu dareemo xanuun badan, kadibna la siiyo dawooyin xannuunka ka yareeya.

Markii uu ogolaaday Maxamed Bin Naayif in uu ka tanaasulo xilka dhaxalsugenimada boqortooyada Sucuudiga ayaa kalkaaliyeyaasha boqor Salmaan waxa ay u yeeraan Hay’adda heshiiska u kala qorta boqortooyada oo loo yaqaan hay’adda Baycada, iyada oo xubnaha kay’addaas qaarkood loo sheegay in Maxamed Bin Naayif uu leeyahay Balwad dhanka Maandooriyaha ah, sidaas awgeedna uusan u qalmin in uu mustaqbalka noqdo Boqor, sidaas waxa u sheegay New York Times; xubno katirsan Qoyska xukuma Sucuudiga.

aa

Dhinaca kale New York Times mas’uulkatirsan Sucuudiga ayaa u sheegay in Mr Naayif aan la saarin wax cadaadis ah oo ku saabsan ka tanaasulidda xilka dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga, qoraal uu mas’uulkaasi u diray New York Times; ayauu ku sheegay in Naayif ahaa qofkii ugu horreeyey ee lagala baycada Maxamed Bin Salmaan, sidaasna waxa dhowr sawir looga qaaday codsiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana ku waafaqay hay’adda Baycada ee boqortooyada Sucuudiga.

New York Times; ayaa sheegtay in Mr Naayif; uu ku noqday Qasrigiisa ku yaal Jidda oo ku noolaa kadibna halkaas lagu saaray xabsi guri, iyada oo sidoo kalana aan intaas lagu deyn ee xabsi guri la geliyey dhammaan kalkaaliyeyaashiisii dhanka nabadgelyada, kuwaas oo uu ugu horreeyo Cabdulcasiis Al Haweyrani, kaas oo kaalin weyn ka ciyaarayey iskaashiga dhinaca ammaanka ah ee ka dhexeeya boqortooyada Sucuudiga iyo Mareykanka.

Kadib maalmo yar markii ay sidaas wax u dheceen ayay hay’adda sirdoonka ee Mareykanka CIA waxa ay u sheegtay Aqalka cad ee Mareykanka looga taliyo sida ay uga xuntahay wixii ay kala kulantay isbeddelka ku dhacay hannaanka dhaxalka boqortinimada Sucuudiga iyo eryidda Maxamed Bin Naayif, sidaas oo kalana waxa ay sheegtay dhibaatada ka dhalan karta suurtagalnimada xil ka qaadista Cabdulcasiis Al Haweyrani, taas oo caqabad weyn ku noqoneysa howsha xog isdhaafsiga dhinaca sirdoonka ah ee u dhexeeya Washington iyo Riyaad

NYT; ayaa sheegtay in is qabqabsi iyo tartan dhanka xilka iyo muuqaalka siyaasadeed ee dalku yeelanayo mustaqbalka uu ka dhex jiro boqortooyada Sucuudiga

Waa kuma Maxamed Bin Naayif?

Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiir ayaa xilka ka xuyuubiyey Maxamed Bin Naayif;dhammaan xilalkii uu hayey, isaga oo dhammana xilalkaas u magacaabay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan; haddaba waa kuma Maxamed Bin Naayif?

Maxamed Naayif Cabdulcasiis Cabduraxmaan Faysal Turki Cabdulaahi Maxamed aalu Sucuuf; waxa uu ku dhashay magaalada Jidda; sanadkii 1959.

Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Boqortooyada Sucuudiga, sida Wasiirka arrimaha gudaha, Raisalwasaare ku xigeenka koowaad iyo madaxa golaha arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada ee Sucuudiga.

4

Bishii April 2015; ayuu boqor Salmaan u magacaabay in uu noqdo dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga, balse June 2017; ayaa laga xayuubiyey xilkaas, waxa ay aabihi wada dhasheen Boqor Fahadkii geeriyooday ee Sucuudiga.

Waxa uu wax ku bartay kulliyadda Lewis & Clark; ee Mareykanka, waxa uu ka qaybgalay tababar badan oo uu diyaariyey xafiiska heer federal ee baaritaanada ama  (Federal Bureau of Investigation )FBI; sanadihii 1985-1988;, sidaas oo kalana waxa uu qaatay tababarka ladagaalanka waxa loo yaqaan argagixisada oo ay bixisay Waaxda la dagaalanka argagixisada ee Booliiska ingiriiska.

Isha: New York Times & BBC

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment