2343 Views

Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya Masar

Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 19, 2017Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan booqdo  Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo waxaa shaaciyay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar,taas oo soo saartay warqad wargelin ah oo Bulshada Soomaaliyeed ee doonaya in ay ka qeybgalaan soo dhaweynta Madaxweynaha ku wargelisay in ay tagaan xarun loo cayimay.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku beegan yahay 21ka Bisha August,waxaana la filayaa in uu la kulmo madaxda Masar iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay Casuumaad uga helay Ra’isalwasaaraha Dalka Masar inkasta oo ay dib u dhacday dhowr jeer,waxaana xigtay khilaafka soo dhexgalay Waddamada Carabta ee Masar ay ka mid tahay iyo Soomaaliya oo meel dhexe ka istaagtay.

ff

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment