2748 Views

Ciidamada KenyaOo 3 Ruux Xabsiga U Taxaabay

Ciidamada KenyaOo 3 Ruux Xabsiga U Taxaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017–Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay saddex qof u soo qabteen fal dil ah oo jimcihii ka dhacay Degaanka Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Taliyaha Booliska Xeebaha Kenya  Larry Kien,ayaa sheegay in 3 qof oo ay tuhmayaan in falka lagu gowracay dadka rayidka ah ay ka dambeeyaan ay hadda hayaan.

Waxaa uu xusay in ay ku soo qabteen hub,haddana ay ku jiraan gacanta Ciidamada amaanka oo ay maxkamad sugayaal yihiin.

Bilihii la soo dhaafay Dalka Kenya waxaa ka dhacayay  dilalka dad rayid ah iyo kuwo ka mid ah Booliska Kenya,waxaana ay inta badan ka dhacayeen Gobolka Waqooyi bari iyo Gobolka Xeebta ah.

Ciidamada Kenya ee Xeebaha Kenya ayaa dagaal kula jira Al-shabaab,waxaana inta ugu badan ka dhasha khasaare soo gaara dadka degaankaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment