2724 Views

Madaxweyne Maamul Gobaleed Oo Digniin Loo Diray

Madaxweyne Maamul Gobaleed Oo Digniin Loo Diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017-Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Qaranimo Online  ayaa waxa uu beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, kaas oo uu ku sheegay in xil ka qaadistiisa ay ka dambeeysay xukuumadda Soomaaliya .

Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray in ay jiri karto sabab xukuumadda ku qasbeyso in ay faragaliso maamul Goboleed, islamarkana Dastuurka maamulka Hirshabelle uu qorayo in dowladda aysan fara galin Karin.

Sidookale Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) ayaa waxa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble inta aysan xil ka qaadista ku sameyn xildhibaanada Hirshabelle uu ka waday Magaalada Muqdisho Guux Siyaasadeed .

Waxaana uu tilmaamay in Cali Cabdullaahi Cosoble looga baahan yahay in uu ku qanco xil ka qaadista lagu sameeyay, islamarkaana Nidaamka iyo kala dambeynta uu ilaaliyo

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment