2853 Views

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Xiray Maalta

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Xiray Maalta
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017—Ciidamada Booliska Jasiirada Malta ayaa xiray labo nin oo Soomaali ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay dambiyo kala duwan ay ka galeen dalkaasi,islamarkaana ay ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan.

Booliska waxa ay sheegeen in labadaan nin lagu eedeeyay in ay geysteen Fal xatooyo ah ,haddana ay ku socoto baaris.

Magacyadda labada Muwaadin ee Soomaaliyeed ee ay xireen Ciidamada Booliska Malta ayaa lagu kala Magacaabaa  Shaban Aadan Jaamac oo 21 sano jir ah iyo Maxamed Xabiib Xaashi 22 sano jir ah.

Labaddaan nin ayaa lagu eedeeyay in ay dhaceen alaab uu watay nin u dhashay dalka Ruushka, islamarkaana ay Magaalada ku dhex carareen Ciidamada ayaana ugu dambeyntii ku guuleystay in ay soo qabtaan.

Kormeere sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in raggaan sharciga la marsiin doono ,islamarkaana hadii dambi lagu waayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono.

Jasiiradda Malta ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay geysteen falal dil ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment