2229 Views

Kheyre oo maanta arday cusub imtixaan ugu daah furay Muqdisho

Kheyre oo maanta arday cusub imtixaan ugu daah furay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow furay imtixaan laga qaadayo qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ka soo baxday ee doonaayo in ay ku biiraan Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno katirsan wasiirada iyo maamulka Jaamacadda Umadda ayaa kormeerey imtixaanaadkaasi,iyagoo u kuurgalaya qaabka loo soo agaasimay Imtixaankaasi.

Waxaa uu sheegay  Xasan Cali Kheyre  in ay guul tahay in maanta arday Soomaaliyeed in ay imtixaan ay u fariistaan Jaamacad lacag la’aan ah oo dowladda ay leedahay.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Umadda ayuu kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u saxaan imtixaankaasi.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment