2616 Views

Qoyska askari Kenyaan ah oo Al Shabaab ay toogasho ku dileen oo fariin diray

Qoyska askari Kenyaan ah oo Al Shabaab ay toogasho ku dileen oo fariin diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Qoyska Leonard Maingi Kiiyo oo ah Askari ka tirsanaa Ciidanka Kenya ee Soomaliya,sanadkii 2016kiina u gacan galay Al-shabaab ayaa baaq u diray Dowladda Kenya.

Al-shabaab ayaa ka hor doorashadii Madaxtinimada Kenya soo bandhigtay muuqaalka Askarigaas oo la tooganayo,hayeeshee Qoyskiisu ma rumeysna in wiilkooda la toogtay.

Waxaa ay Dowladda Kenya ka dalbanayaan in ay soo kala caddeyso warkaas,markii muuqaalkaas uu ku baahay baraha Bulshada waxaa ay warqad u qoreen dowladda Kenya,mana aysan helin jawaab ku filan.

Leonard Maingi Kiiyo,oo uu dhaawac bogsaday kaga yaallay Isha Bidix ayey soo bandhigeen Al-shabaab,isaga oo codsanayay in Madaxweyne Kenyatta uu wadaxaajood la galo Al-shabaab,kana siidaayo isaga iyo saaxiibadiisa kale ee ku jira gacanta Al-shabaab.

Wiilka la dhashay Kiiyo,ayaa la wareegay mas’uuliyadda reerkii, oo waxaa uu waxbarashada ka bixiyaa afar Carruur ah oo uu Kiiyo ka tegay,waxaa kale oo uu hayaa nolosha reerkiisa.

Wiilka ugu weyn Kiiyo,waxaa uu hadda marayaa fasalka 2aad ee dugsiga Sare,walina Carruurtiisu ma ogaan in aabahood uu ku jiro gacanta Al-shabaab ama la dilay.

Markii ay Carruurta weydiiyaan waxaa loo sheegayaa in uu dowladda u shaqeeyo oo uu Askari yahay,dowladda markii ay rabtana soo fasixi doonto.

Xaaska Kiiyo,oo lagu magacaabo Eunice,ayaa sheegtay in wax hadal ah aysan ka dhihi Karin nolosha ama geerida Odaygeeda oo ay baraha bulshada ku aragtay isaga oo codsi jeedinaya kaddibna toogasho ku xigtay.

Waxaa ay tiri hadalkiisa waxaa uu igu dambeysay 12kii Januray, saddex maalmood ka hor inta uusan dhicin weerarkii Ceel Cadde ee lagu qabtay isaga.

Markaas waxaa ay sheegtay in uu la dardaarmay una sheegay in ay u soo duceyso maaddaama ay meel halis badan ay tageen,sidoo kalena ay daryeesho carruurta uu aabbaha u yahay.

5 August ee Sanadkan ayuu soo baxay muuqaalka lagu sheegayay in la dilay Kiiyo,waxaana walaalkiis oo u tagay Dowladda uu ka waayay jawaab ku filan,waxaana ay qoyskaas oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay hadda ku noolyihiin Rajo la’aan,iyaga oo mar u maleeya in uu noolyahay,marka kalena muuqaalka rumeysta,waxaase wali laga qarinayaa carruurtii uu dhalay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment