2892 Views

Sawiro:- Kulan xasaasi ah oo Muqdisho maanta ka dhacay

Sawiro:- Kulan xasaasi ah oo Muqdisho maanta ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  21 August 2017 — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow iyo ms’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin jian.

Kulanka oo ahaa qado sharaf uu safiirku u sameeyay mas’uulyiinta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Warfaafinta iyo Dhaqanka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian, sheegay in Soomaaliya Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, ayna sii ballaarinayaan xiriirkaas.

Waxa uu intaas ku daray dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinacyo kala duwan oo Warbaahintuna ka mid tahay, isagoo sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii uu Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi  u dhex mari lahaa warbaahinta Shiinaha iyo tan Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay mashaariicda kala duwan ee ay Soomaaliya ka fulinayaan iyo kuwii ay horay u fuliyeen burburkii ka hor, sida dhismaha Jidad kala duwan, Garoonka Muqdisho Stadium, Tiyaatarka Qaranka, Isbitaallo iyo Mashaariic kale oo wax tar weyn u leh Soomaaliya,waxa uuna rajeeyay wasiirku in dowladda Shiinuhu dhowaan dib u bilaabi doono mashaariic kuwaas la mid ah.

 a1 a3 a4

222

a1

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment