2793 Views

Shir muhiim ah oo maanta ka furmay Kismayo

Shir muhiim ah oo maanta ka furmay Kismayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubaland waxaa ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada kale ee ka jira Dalka.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa,waxaana uu maanta furayaa shirka dhismaha golaha degaanka ee Maamulka Jubaland.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb gelaya wafdiyo kala duwan oo ka socda Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed,Hirshabeelle iyo galmudug,kuwaas oo goobjoogayaal ah shirkan.

Haddii Jubaland ay ku guuleysato dhismaha Golaha degaanka waxaa ay noqoneysaa maamulka 2aad ee toos Federaalka u hoostaga islamarkaana leh Gole degaan,waxaana kaga horreeya kaliya Puntland oo Maamul Goboleedyada kale ka horreysay.

“Waxaan daah furaya Shirka Dhismaha Golayaasha deegaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, horay waxaan uga soo daah furnay Magaalada Baydhabo, haddana Kismaayo ayaa ku xigta, waxaan jeclahay in si dhaqsi ah uga hirgelo Maamul Goboledyada kale ee dalka ka jira.” Ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Maamulka Koofur Galbeed oo horay shirkan oo kale looga furay kuma uusan guuleysan in uu dhiso,waxaana wali socda Magaalada Baydhaba ee Maamulka Koofur Galbeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment