2520 Views

Weerar ka billowday Keynya Booni

Weerar ka billowday Keynya Booni
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Ciidamada Cirka Dalka Kenya ayaa weerar  cirka ah ka billaabay Keynta Booni kaddib markii ay dhamaatay 48 saac ee ay Dowladda u qabatay in dadka degaankaas ay ku guuraan.

Agaasimaha howlgalka Keynta Booni ee Dowladda Kenya Joseph Kanyiri,ayaa Jimcihii sheegay in dowladda ay dib u billaabeyso duqeynta ka dhanka ah Al-shabaabka lagu tuhmayo Keynta sidaas darteedna ay tahay dadka Beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ay ka guuraan Keyntaas muddo 48 saacadood ah.

Dadka fara ku tiriska ah ee ku haray Keynta ayaa sheegaya in ay maqlayaan Madaafiic waaweyn oo ku dhaceysa keynta sidoo kalena guuxa diyaaradaha ay maqlayaan.

Meelaha ilaa hadda duqeynta laga billaabay waxaa ka mid ah Magaalada Garsen iyo hareera wabiga Tana,sidoo kale dhanka Xeebta ee Lamu waxaa laga maqlayaa duqeynta Diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka wadaan Keynta Booni.

Mr Kanyiri.,waxaaa uu sheegay in duqeynta ay sii socondoonto ilaa Al-shabaab ay ka saaraan,degaankaas,waxaana uu xusay in qof kasta oo Kenyaan ah oo amarka dowladda diida ay ula dhaqmayaan sida Al-shabaab oo kale oo aysan u fiirineyn shacab iyo Al-shabaab.

Waxaa uu ku hanjabay oo kale in si Amniga Kenya loo xaqiijiyo Al-shabaab laga saarayo keyntaas kaddibna dadka degaanka ay dib ugu laaban doonaan xasilinta kaddib,inta ka horreysana qofkii shacab ah ee ku dhinta uusan dowladda u qabsan karin.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment