2484 Views

Weerar xoogan oo ka dhacay dagamada Mahadaay

Weerar xoogan oo ka dhacay dagamada Mahadaay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ay weerar ku qaadeen.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay Weerar qorsheysan in ay kusoo qaadeen Fariisinka Ciidamada dowladda ee Duleedka Degmada Mahadaay.

inta la xaqiijiyay Weerarkaasi waxaa u ku dhintay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Saacaddo kooban ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada dowladda ayaa si weyn iskaga caabiyay dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Weerarka kusoo qaaday.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxa ay ku qaadaan degaanada ku jira gacanta Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment